Farmaajo oo Muqdisho ugu yeeray madaxda maamul goboleedyada xilli ay xiisad sii kordheyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baay madatooyada, waxxaanaugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran.

Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dalka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

Marti-qaadka madaweynaha ayaa yimid saacado kadib markii madaxda maamul goboleedyada ay soo saareen qoraal ay si aad ah ugu weerareen dowladda federaalka, oo ay sheegeen inay faro-gelin ku hayso maamul goboleedyada. Halkan ka aqri.

Lama yaqaan waxa ay maamul goboleedyada uga jawaabi doonaan casuumadda madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com