Dagaal u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo ka socda Mudug

Gaakacyo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Gobolka Mudug ayaa xaqiijinayo inuu halkaas ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeyo maleeshiyaad ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay uu u dhex maray wadahadal iyo heshiis ku aadan in la joojiyo colaadaha waqtiga badan qaatay ee halkaas ka jiray.

Sida wararka ay sheegayaan Dagaalka ayaa ka socdo deegaanka Qob-gaashaan oo aan sidaas uga fogeyn Godod, waxaana soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ilaa hadda socdo.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo dhinacyadii dagaallamayey ah ayaa halkaasi ku dhintey, iyadoo 7 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Dhinacyadan is haya ayaa dagaalkooda wuxuu ku bilowday sida la sheegay muran xagga dhul waraabka ah oo dhowaan roob uu ka da’ay, iyadoo weli aanay muuqan xal dhinacyadan lagu kala dhexgalayo.

Isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo waxaa lasoo gaarsiiyey qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu aad u xooggan yahay, waxaana hadda socdo dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo.

Wuxuu dagaalkaan kusoo aadayaa xilli Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku afgarteen inaan xabad dambi la isku ridin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah