Taliyaha Xoogga dalka oo la kulmay Yoweri Museveni

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa maanta qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socday  dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo booqasho ku jooga Kampala.

Sarreeye Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si gaar ah uga wada-hadlay arrimaha milatariga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dhismaha Ciidamada Xoogga iyo taageerada dhanka howlgallada ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in dalka ay kaga xoreyso Shabaab.

Inta uu kulanka socday madaxweynaha Uganda ayaa ballan-qaaday inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhan kasta, hadii ay ahaan lahayd dhismo ciidan iyo tababaro joogta ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya garab milatari ay siin doonaan si dalka  looga saaro maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa horay ula kulmayy dhiggiisa dalka Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo dowladda Uganda ay ballan qaaday in Soomaaliya ay siin doonto garab milatari.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka ka socda dalka, waxayna ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.