Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maana guddoomiyay shir ay yeesheen saraakiisha amniga ee maamulkaas iyo kuwa ciidamada dowladda ee haatan howlgallada ka wada gobollada Jubbooyinka.
Waxaa kulanka ka qayb-galay taliyeyaasha ciiidamada Xoogga dalka, kuwa daraawiishta, wasiirka amniga Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay Jubbaland.
“Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalnka Argagixisada oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagu jiro Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada maamulkaasi.
Axmed Madoobe oo madasha ka hadlay ayaa saraakiisha uu la kulmay faray inay laba jibaaraan dadaalkooda, si loo ciribtiro maleeshiyada Al-Shabaab.
Jubbaland ayaa haatan u diyaar garoobeyso duulaan lagu qaado Al-Shabaabka ku sugan Jubbooyinka oo ah saldhiggooda ugu weyn, maadaama ay ka haystaan gobol dhan
Dhowaan ayaa la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka oo ay horkaceyso dowladda dhexe, wajiga koowaad ee lagu xoreeyay inta badan HirShabelle iyo Galmudug.