28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Taliyaha cusub ee AFRICOM oo soo gaaray Muqdisho + Qorshaha Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee (AFRICOM) Jenaral Dagvin Anderson oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta uu kulan la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa labada mas’uul ku wehlin doono Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jnaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo Mareykan ah oo wafdiga qayb ka ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka wada-hadlayaan dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada-hadli doono wada shaqeyntooda, maadaama uu isbeddal ku yimid hoggaanka Taliska AFRICOM, oo si weyn muhiim ah ugu ah howlgallada socda, maadaama dhanka hawada ay ka taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo hordhac oo Anderson la yeeshay saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM iyo diblumaasiyiin kale.

Ujeedka kulamadaas ayaa ahaa isbarasho, kaddib waxa uu kala hadlay sidii loo dardargelin howlgallada lagu beegsanayo Shabaab iyo amniga guud ee dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya wada shaqeyn xooggan, waxaana sidoo kale Washington ay taageero milatari siisaa Dowladda Federaalka, waxaana intaas dheer in sidoo kale ay ka qayb qaadato dagaalka tooska ah ee lagula jiro argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News