Taliyaha cusub ee hay’adda NISA oo la magacaabay

Muqdisho ( Caasimada Onine) – Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA).

Taliyaha cusub ee hay’adda ayaa waxaa loo magacaabay Mahad Salaad Maxamed oo kamid ahaa xubnaha sida weyn ugu dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mahad Salaad oo sidoo kale ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hay’adda NISA ayaa muddo badan aheyd mid aan taliye laheyn kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey taliihii hore ee hay’adaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib kiiskii Ikraan Tahliil Faarax.

Hay’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa hoggaanka hey’adda kusime ahaan u hayey Yaasiin Farey oo hadda kamid noqoday xildhibaanada 11-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah xubnaha ku dhow Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.

Magacaabista Mahad Salaad ayaa ka dhigan inuu weyn doono kursiga xildhibaannimo marka loo dhaariyo xilkan ee uu si rasmi ah ula wareego.

Hay’adda NISA ayaa ka mid ah hay’adaha dowladeed ee la rumeysan yahay inay u baahan yihiin isbeddel weyn oo lagu sameeyo, ayada oo shantii sano ee lasoo dhaafay aheyd hay’ad loogu shaqeeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dayacday sugiddii amniga.

Waxaa la rumeysan yahay in hay’adda ay sidoo kale ku dhex-jiraan xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa weli si hoose ula shaqeeya kooxdaas, taasi oo ay adkaan doonto in la kala sooco.