Taliyayaasha Somaliland ee ku sugan aagga dagaalka Puntland oo diiday amar ah inay weeraraan magaalada…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyayaal ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaanada ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland ee ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf weyn sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen qaar kamida odayaasha & waxgaradka G/Sanaag ee tagay deegaanadaasi.

Khilaafkan ayaa waxa uu ka dhex qarxay Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland iyo Saddex taliye oo lagu kala magacaabo Guray Cismaan Saalax, Xayle Xaaji Diraac iyo Xuseen Dheere.

Saddexdan taliye ayaa iyagu waxay si aad ah uga biyo diiden inay weerar ku qaadan oo ay galaan magaalada Badhan, kaasi oo ku amray taliska guud ee ciidamada Somaliland.

Magaalada Badhan ayaa waxa ku sugan Wasiirka Amniga Puntland iyo ciidamo taabacsan Maamulka Puntland.

Saddexdan Taliye ayaa waxa laga cabsi qabaa kadib khilaafkan kala dhaxeeya Taliska guud inay iska casilaan xilka ay u hayaan Somaliland, kadibna ay u goostan dhinaca maamulka Puntland.

Goosashada Saraakiishan ayaa waxay fashil ku noqoneysa xukuumada Biixi oo dhowaan ay ka gosteen Korneylo ka tirsanaa ciidamada Somaliland.

Mana aha markii u horeysay ee Taliyayaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo ku sugan deeganadaasi uu ka dhex qarxo khilaaf noocani ah.

Si kastaba, Amarka uu bixiyey Taliyaha guud ee ay ka hor-yimaaden saddexdan taliye ayaa waxa uu burinaya baaqi nabadeed ee Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyey Maamulka Puntland, kaasi oo ahaa in Somaliland ay rabto inay nabad kula xaajoto Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com