Qaladkii uu Muuse Biixi ku dhacay shalay: Maxaabiista Puntland ma cafiyey mise..?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac “Guuleed Dafac” ayaa ka hadlay Wareegtada uu madaxweyne Muuse Biixi ku cafiyay maxaabiis laga soo qabtay Puntland.

Guuleed Dafac ayaa dhaliilay habka uu Madaxweyne Muuse Biixi u maray cafinta maxaabiistan lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq.

Garyaqaan Dafac ayaa ka dhawaajiyey in Maxaabiista dagaalku aysan aheyn dambiilayaal la cafiyo, balse ay yihiin Maxaabiis la isku celiyo, isagoona sheegay inay mamnuuc tahay in loola dhaqmo sidii dambiilayaasha.

Dafac ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Maxaabista dagaalada lagu soo qabto ay leeyihiin ilaalin gaar ah, isagoona ka dhawaajiyey inay qalad tahay in marka lasii deynayo maxaabiista la yiraahdo waa la cafiyay.

“Maxaabiista dagaalku (Prisoners of War) dembiilayaal la cafiyo maaha ee waxa maamula Mucaahadada Geneva. Marka dagaalku dhamaado waa in la isku celiyo. Waa mamnuuc in loola dhaqmo sidii dembiile” ayuu yiri Garyaqaan Dafac.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaay leeyihiin ilaalin gaar ah. Markaa erayga waa la cafiyay waa qalad. Maxabiista dagaalka waa la is waydaarsadaa. Hadii cid qudhi maxaabiis haysona (badiyaa ma dhacdee) way celisaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com