Taliye Biixi oo soo saaray digniin la xiriirta ciidamada iyo doorashooyinka 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Lugta ee Xoogga dalka ee Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlayey xaaladda kala guurka ah ee dalka ayaa digniin culus u diray saraakiisha iyo ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Biixi ayaa uga digay dhammaan ciidamada dowladda ku milanka arrimaha siyaasadda ee iska soo horjeeda iyo doorashooyinka socda ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in doorka ciidamada uu yahay kaliya sugida ammaanka doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, isaga oo intaasi ku daray in aysan wax lug ah ku yeelan karin siyaasadaha is diidan ama mashruuc kasta oo guuleysta ama guul darreysta.

Taliyaha ciidamada Lugta oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan saraakiisha iyo askartooda looga baahan yahay inay sidoo kale ka fakaraan ammaanka deegaanada ay ka howl-galayaan, si dalka looga bad-badaado xasilooni darro timaada.

Hadalkan ayaa daba socda, kadib markii ay xubnaha mucaaradka walaac badan ka muujiyeen, kuna eedeeyeen dowlada, inay siyaasad u adeegsaneyo ciidanka qaranka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaaladda kala guur ah oo ka dhalatay doorashooyinka daahay ee baarlamaanka iyo mida madaxweynaha oo hadda si weyn la’isugu hayo.

Si kastaba, waxaana haatan loolanka ugu xoogan uu ka jiraa xiubnaha Golaha Shacabka oo doorashadooda ay ka bilaabatay Muqdisho & qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka.