Mucaaradka oo ku hanjabay inay qaadacayan doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda midowga musharixiinta mucaaradka ayaa la kulmay xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaalka, waxayna la wadaageen walaacooda ku saabsan sida ay ku bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho waxaa si weyn loogu gorfeeyey nooc doorasho oo boob ah oo mucaaradka u arkaan habka ay wax ku wadaan madaxda Maamul Goboleedyada.

Mucaaradka waxaa laga xirtay dhammaan albaabadii ay kasoo geli lahaayeen doorashada Golaha Shacabka, waxaana aad u yar xubnaha fursadda u heysta inay Xildhibaano soo saartaan.

Waxay guddiga doorashada gaarsiiyeen walaac iyo hanjabaad wada socda. Xubin sare oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ayaa noo xaqiijiyey inay mucaaradku ku hanjabeen inay qaadici doonaan geediga doorashada, haddii aysan waxba iska badalin habka ay wax ku bilowdeen.

Dooda mucaaradka waxay u muuqataa mid maangal ah, laakiin cidda arrintaan wax ka qaban karta ma ahan guddiga doorashada ee heer Federaal oo aysan waxba gacanta ugu jirin hadda.

Doorashadaan socoto awoodda ugu badan waxaa ku leh madaxda maamulada, laakiin mucaaadka illaa hadda waxay ka dhuumanayaan inay madaxda maamulada toos u wajahaan, runta u sheegaan, dhaliilaan, u hanjabaan oo ay doodooda bannaanka la yimaadaan, kuna toosiyaan cidda canaanta leh.

Xubinta warbixinta nala wadaagay wuxuu layaab ku tilmaamay inay mucaaradka tahay cidda ugu horeysa ee u hambalyeysa xildhibaanada soo baxa, haddana waana isla cidda ugu horeysa ee ka cabata xubnahaas, taas oo aan is qaban karin, marka hoos loo eego xaaladda.

Haddii ay mucaaradka qaadacaan guud ahaan doorashada waji cusub ayuu geli karaa dalka. Dadka qaar waxay guuxa iyo hanjabaada ka imaaneysa dhanka mucaaradka ku fasireen niyad-jab ka heysata natiijada soo bixi karta doorashada, maadaama illaa hadda ay wax u socdaan sida uu Farmaajo rabo.

Mucaaradka malahan hal musharax, dhinaca kalena waxaa aad u yar saameyntooda guud ee doorashada, laakiin marka la eego saameynta ay Caasimadda ku leeyihiin waxay awoodaan inay abuuraan jawi tir-tiri kara shaqada socota ee doorashada.