Wararkii ugu dambeeyey ee Addis-Ababa oo ay kusoo dhowaadeen mucaaradka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinta caalamiga ah ee ku aaddan in laga baxo magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia, xilli ay kusoo dhowaanayaan mucaaradka dalkaas.

QM ayaa ku amartay in halkaas ay deg deg uga baxaan qoysaska shaqaalaheeda, halka France ay noqotay dalkii ugu dambeeyey ee Reer Galbeed ah oo muwaadiniintiisa u sheega inay ka tagaan Ethiopia. 

Ciidamada Tigray-ga ayaa soo gaaray magaalo 220km u jirta Addis Ababa, kadib markii ay wax ka yar bil gudaheed kusoo jareen dhul 100 km ka badan.

Amar amni oo kasoo baxay QM, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa lagu sheegay in dhammaan qoysaska shaqaalaha QM ay dalkaas uga baxaan ugu dambeyn 25-ka November. 

“Ayada oo la eegayo xaaladda amni ee dalka iyo taxaddar dartiis, QM waxay go’aansatay inay si ku-meel gaar ah u yareyso shaqaalaheeda ayada oo dib u dejin u sameyneysa dhammaan xubnaha qoysaskooda,” ayuu afhayeenka QM Stephane Dujarric.

France ayaa sidoo kale ku waanisay muwaadiniinteeda inay dalka Ethiopia ka baxaan “ayaga oo aan dib u dhigin,” taasi oo ka dambeysay talo-bixin noocaas ah oo ka timid Mareykanka iyo UK.

Hase yeeshee Addis-Ababa ayaa ku gacan seertay digniinaha ay bixinayaan Reer Galbeedla

“Dacaayadda iyo argagaxa ay faafinayaan warbaahinta reer galbeedka waxay khilaafsan yihiin xaaladda nabadeed ee magaalada, sidaas darteeda diblomaasiyiinta ma ahan inay cabsadaan,” waxaa sidaas yiri Kenea Yadeta oo ah madaxa xafiiska amniga iyo nabadda ee Addis Ababa. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Isniintii wacad ku maray inuu tegi doono furinta dagaalka si uu hoggaamiyo ciidanka.

“Waxaan hadda ku jirnaa wejigii ugu dambeeyey ee badbaadinta Ethiopia,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.

Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar.

Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa.