Afar qof oo Soomaali ah oo qaraxyo wata oo lagu qabtay hotel uu Yoweri Museveni…

Kampala (Caasimada Online) – Booliska Uganda oo wada howlgallo kadib qaraxyadii toddobaad kahor ka dhacay dalkaas, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo Soomaali ah oo walxo qarxo keenay hotel lagu wado inuu toddobaadkan booqdo madaxweyne Yoweri Museveni.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa sheegay in walxha qarxa lagu qabtay baaris lagu sameeyey baabuur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo.

“Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagixisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP. 

Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamiista berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Museveni.

Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray.

Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhimasho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Labada qarax oo isku xigay ayaa dhacay daqiiqado gudahood, waxaana fuliyey laba qof oo is-miidaamiyey, oo watay mootada loo yaqaan “boda boda”, ayaga oo beegsaday meel u dhow saldhigga booliska iyo xarunta baarlamanka ee magaalada Kampala.

Qaraxyada ayaa daba socday laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geeriyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdisho. 

Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Kaniisadda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.