Doorashada kursi ka mid ah Aqalka Hoose oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi (Somaliland).

Kursigan oo tirsigiisa uu yahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed, kuwaas oo marka hore codkooda weydiistay ergada doorashada.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay, wuxuuna helay 65 cod, Khadra Axmed ayaa heshay 25 cod, halka musharax Cabdiqani Maxamed uu isna helay 7 cod.

Kursigan oo uu maanta ku guuleystay xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan waxaa horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus oo 4-tii sano lasoo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee harsan la dardargelinayo doorashadooda, isla-markaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waa kursigii lixaad oo doorashadiisa lagu qabanayo gudaha Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed ee General Kaahiye, waxaana shalay halkan lagu doortay shan xildhibaan, halka horey loogu doortay laba kursi oo uu mid ka mid ah ku soo baxay Mahdi Guuleed.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota gudaha dalka, iyada oo dhinaca kale ay walaac ka muujiyeen musharixiinta mucraadka qaabta ay ku bilaabata doorashada.

Si kastaba, Galmudug ayaa iyadana lagu wadaa inay maanta qabato doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, taas oo ah natiijadeeda mid lasii ogyahay, waxaana loo saadaalinayaa musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Mahad Cabdalle Cawad.