PUNTLAND oo si weyn uga hortimid warbixintii kasoo baxday DF SOOMAALIYA

Garoowe (Caasimada Online) – Hay’adda Puntland u qaabilsan dhanka maareynta ee magaceeda loo soo gaabiyo HADMA ayaa been abuur ku tilmaamtay warbixin kasoo baxday wasaaradda gargaarka dowladda Soomaaliya, taas oo lagu sheegay in duufaan xawaare sare ku socota laga cabsi qabo inay ku dhufato maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Bari.

Ugu horeyn qoraal ka soo baxay HADMA ayaa waxaa lagu sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan aad u culus.

“Annagu ma hayno duufaantaas, mana garanayno meesha ay ka keeneen dadku,” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda HADMA ee Puntland Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ceyrow.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in duufaanta la sheegay xawaaraheeda uu aad u hooseeyo, isla-markaana uu yahay illaa 35km saacaddiiba, isaga oo intaasi ku daray in xilligan aanay suurtagal ahayn inay si dhaqsi leh ku soo gaarto xeebaha Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay si dajiyaan, wuxuuna xusay inay marweliba usoo gudbinayaan waribixnada dhabta ah ee la xiriira xaaladaha soo kordha.

Si kastaba, wasaaradda gargaarka Soomaaliya waxay warbixinteeda ku sheegtay in duufaant ay  ku socota xawaare aad u sarreeya, iyada oo digniin u dirtay dadka degan hareeraha xeebaha ee ku dhaqan gobolka Bari ee hoostaga dowlad goboleedka Puntland.

Sanad kaste, marka la gaaro bilaha December iyo november, waxaa Puntland laga fishaa roobab dabeylo wada oo ka yimaada dhinaca xeebaha Cadda Cas iyo Badweynta Hindiya.