Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Puntland oo dhaawac culus lala dhigay Isbitaal

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska maamulka Puntland Bile Faarax Cali.

Taliye ku-xigeenka, ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad duleedka magaalada Garoowe ku dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamo kale.

Is rasaaseynta uu ku dhaawacmay Taliye ku-xigeenka ayaa la xaqiijiyay inay timid kadib markii ay kala shakiyeen labada ciidan, waxaana sidaa ku dhacay is tasaaseynta.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dhaawaca taliye ku-xigeynka ciidamada Booliiska Puntland Bile Faarax Cali.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in dhaawaca taliye ku-xigeenka Booliska Bile Faarax Cali lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Garowe.

Si kastaba ha ahaatee, mas`uuliyiinta gobolka iyo laamaha amaanka ee Puntland ayaan wali ka hadlin dhacdadaan maanta ka dhacday duleedka magaalada Garowe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com