Ninkii fududeeyay dilka Osama Bin Ladin miyaa loo gacan geliyey Mareykanka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday dowlada Pakistan ayaa waxaa lagu beeniyay warar sheegaya inay dowlada Mareykanka ku wareejisay Dhakhtarkii fududeeyey dilkii Osama Bin Ladin.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inaanu jirin xaqiiq muujineysa wareejinta dhakhtarkii Shakil Afridi oo Sirdoonka Maraykanka CIA u fududeeyey inay dilaan hogaamiyihii Al Qacida Osama Bin Ladin.

Pakistan waxa ay sheegtay inay jiraan warar ay baahiyeen warbaahinta caalamka taa oo muujineysay in dowladu ay Shakil Afridi ku wareejisay Mareykanka.

Dowlada Pakistan ayaa sheegtay inay kaalin ku laheyd keliya talaabo dhowr sano ka hor lagu qabtay Dr. Shakil Afridi, kadib hawlgalkaasi ayey dowlada Pakistaan xabsiga ku dhigtay Dr. Shakil Afridi oo ugu danbeyntii lagu xukumay 23 sano xabsi ah.

Dowlada Pakustan waxa ay sheegtay in Dr. Shakil Afridi xiligaa uu ahaa mid ku eedeysnaa gacan siinta kooxda hubeysan ee lagu magacaabo Lashkar-e-Islam. Inkastoo aan lagu soo oogin wax danbi ah oo la xariira kaalintii uu ku lahaa dilkii Osama Bin Ladin.

Pakistan ayaa 27kii bishii hore ee April ka wareejisay dhakhtarkan xabsigii lagu hayey taasi oo keentay shaki badan iyo qaar kamid ah saxaafada dalkaasi oo sheegay in ninkaasi lagu wareejinayo Dowlada Maraykanka oo marar badan ka codsatay Pakistan in ninkaasi lagu soo wareejiyo.

Sidoo kale, dowlada Pakistan ayaa sheegtay in Dr. Shakil Afridi uu la shaqeenayey sirdoonka CIA, isla markaana sanadkii 2011 baaritaan caafimaad ku sameeyey qaar kamid ah qoyska Osama oo ku dhuumaaleysanayey magaalada Abbottabad ee dalka Pakistaan.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Pakistan ayaa sheegay inaysan jirin heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Pakistan iyo Maraykanka, isla markaana ninkaasi aan lagu wareejin doonin Maraykanka.

Qorshaha baaritaanka ayey sheegtay inuu ahaa si haybtooda loo aqoonsado, kahor intaan ciidamada Maraykanka weerarka ku qaadin gurigii ay ku dhuumanayeen Osama Bin Ladin iyo qoyskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Pakistan ayaa qoraalkeeda ku beenisay wararka muujinaaya in Dr. Shakil Afridi ay ku wareejisay dowlada Mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com