Taliye ku-xigeenkii NISA oo shaaciyey xog ay xildhibaano isku qarxin rabaan Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay inuu jiro qorshe is-qarxin ah oo qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ay ka fulin rabaan Xalane.

Ismaaciil ayaa sheegay in xogta qorshahaan ay heleen wakiilada beesha caalamka ee degan xarunta Xalane, ayada oo qorshahaan fulintiisa loo xil saaray shaqsiyaad kamid ah golaha shacabka ee cusub

Bartilmaameedka u weyn ee qorshahaan ayuu ku sheegay inay tahay safiirada beesha caalamka ee ku sugan Xalane iyo madax kale oo uusan si shaacsan u carabaabin.

“Qolyaha Xalane degen ayaa helay Xog iyo qorshe ah in qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu intaas kusii daray qoraalkiisa “Qoraalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qorshaha Villa Somalia.”

Qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa imanaya saacado kadib markii uu Taliska NISA soo saaray digniin qeyrul caadi ah oo ku aadan shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu helay hanjabaado dil, islamarkaana siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.