Sheekh SHARIIF oo jawaab culus kasoo saaray qoralkii kasoo baxay hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa jawaab kulu ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda NISA ee lagu sheegay in dil loo qorsheenayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sheekh Shariif ayaa ayaan darro weyn ku tilmaamay in hey’addii loo igmaday amniga qaranka dalka ay dacaayad u sameeneyso kooxaha argagixisada.

“Waa ayaan-darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran”, ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Shariif ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golihiisa wasiirada inay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in qoraalka NISA lagu soo aadiyey xilli ay si wanaagsan u socoto bixinta shahaadada xildhibaanada.

“Waxaa nasiib daro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka” ayuu sii raaciyey.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin.

Warka NISA wuxuu abuurayaa tuhun ku saabsan qorshaha dhabta ah ee laga leeyahay, iyo haddii digniintan ay horudhac u tahay isku day la doonayo in lagu beegsado ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaan weli wax jawaab ah ka bixin digniintan, waxaana sida aan xogta ku helnay la filayaa inuu ka hadlo.