Xog: Lafta-gareen oo xayiraad kusoo rogay xildhibaanada ku sugan Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu xayiraad kusoo rogay xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanadaas.

Sida aan xogta ku helnay, Laftagareen ayaa amray in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed ee ku sugan Baydhaba inaysan ku safri karin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay ka socoto shahaado bixinta.

Laftagareen ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inuu xildhibaano dhowr ah oo ku sugan Muqdisho ku amray inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhaba.

Xildhibaanada qaar ee laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa qaatay shahaadada xildhibaanimo waxayna iska dhago tireen go’aanka uu Laftagareen ku diiday shaqada guddig doorashada ee heer Federaal, inkasta oo ay aad u kooban yihiin.

Lama ogo haddii xildhibaanada ku sugan Muqdisho ay aqbalayaan inay dib ugu laabtaan Magaalada Baydhabo, waxaana jiro warar sheegaya in xildhibaanada intooda badan ay diideen amarka Lafta-gareen, ayna suurta-gal tahay inay shahaadada qaataan.

Lafta-gareen ayaa dhowaan qaadacay shaqada guddiga doorashada heer federaal ee FEIT, wuxuuna sheegay inuu liiska xildhibaanada toos ugu gudbinayo xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Wuxuu sidoo kale qoraal xalay uu soo saaray ku sheegay inuu joojiyey wada-shaqeyntii ra’iisul wasaare Rooble ee arrimaha doorashada.

Go’aanka kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa yimid saacad un kadib markii Rooble uu sheegay inuu xubinnimadii ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada heer federal (FEIT) oo lagu eedeeyey fowdo.

“Dowlad Koonfur Galbeed waxay caddeynaysaa in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dowladda Koonfur Galbeed marnaba ma aqbali doonto damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.”

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagaysaa in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha taabbo-gelinta doorashooyinka, uuna lumiyay kalsoonidii hoggaaminta doorashada dalka oo haatan u baahan in laga samatabixiyo.”