Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyey tallaabo ay tahay in la qaado kadib digniintii NISA

Muqdisho (CaasimadaOnine) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumada Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka falceliyey qoraalkii kasoo baxay NISA oo shaacisay inuu socdo qorshe lagu maleegayo dilka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo jeediyey in lasoo saaro tallaabo lagu xakeymayo NISA, si looga hor istaago dhaq-dhaqaaqa ay billowday.

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in NISA ay halis ku tahay dhammeystirka doorashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in digniinteedu muujineyso argagaxa N&N.

“Haddii aan la soo saarin tallaabooyin lagu xakameynayo Taliska NISA, Hey’addu waxay noqon doontaa Masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah Doorashooyinka”.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada.

Hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay dhaleeceyn xoogan la kulmeysa NISA oo xalay soo saartay digniin amni oo la yaab leh.

Si kastaba rrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareeyay doorashooyinka.