Taliye Zakiya oo ‘diiday in cadaalada la mariyo askari darawal u ah oo rayid dilay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ay diiday in la soo qabto askari booliis ah, sidoo kalane darawal u ahaa Zakiya oo bilooyin ka hor qof shacab ah ku dilay Isgoyska degmada Howl-Wadaag ee Gobalka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyar ah oo ka xeynayay Mooto Bajaaj, waxa uuna ifka uga tagay carruur iyo xaaskiisa oo uur leh.

Xildhibaan Xaashi Daahir Diiriye ayaa waxay ilmo adeer yihiin marxuumka la dilay, wuxuuna ka mid ahaa dad isku dyaye inay Zakiya kala hadlaan inay soo dhiibto askariga dilka gaystay.

Zakiya ayuu sheegay in dhowr jeer oo loo tagay in ay ka meer-meertay soo qabashada darawalkeeda oo dilka ka dambeeyay.

Waalidiinta Marxuumka dhintay ayaa noo xaqiijiyay in markii dambe ay Zakiya amartay in aan loo soo deen karin cid dambe oo daba joogta dilkaasi.

Magaalada Muqdisho waxaa ku badan dilalka Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay dadka shacabka ah, dilkii ugu dambeeyay oo ay geesteen Booliiska Soomaaliya ayaa shalay ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay darawal.

Ehellada ayaa waxa ay ka dalbadayn taliye ku xigeenka 2-aad ee Booliiska Soomaaliya weydiiyaan sababta ay u diiday in cadaaladda la marsiiyo darawalkeeda oo wiil Soomaaliyeed si bareer ah ugu dilay Magaalada Muqdisho.

Booliiska waa ilaaliyaha Sharciga, hadii ay Booliiska ilaalin waayaan sharciga iyo kala dambeynta waxaa meesha ka bixi doona rajada dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale Booliiska waxa uu ka tirsan Hey’adaha garsoorka ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com