Taliyeyaal dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax culus oo ka dhacay degmada…

Qoryooley (Caasimada Online) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lala beegsaday xero ay leeyihiin ciidamada ATMIS, balsw ay xiligaas ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamada booliska.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramagaa inuu ka dhex dhacay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan laba askari, oo midkood ahaa taliye Unug magaciisa lagu soo koobay Sandheere, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale oo goobta joogay.

Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo Cabdikariin Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhanka kale lama soo warin khasaare gaaray ciidamada ATMIS, mana cadda sida miinada lagu geliyay gudaha xeradooda, taas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo tuhun aad u xoogan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan loo adeegsaday qaraxa miino, waxayna sheegtay inay ku dishay saraakiil iyo askar badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana Qoryooley iyo agagaarkeeda howlgallo ka wada ciidamada ammaanka iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas iyo howlgallada xigay.

Qoryooley oo ka tirsan Shabeelaha Hoose ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro culus oo ay kusoo qaadaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan qaybo kamid ah gobolkaasi.