Xasan Sheekh oo wajahaya ‘jariimo lamid ah’ tii ay Bariire ku gashay dowladii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa habeen hore duqeymo culus ka geystay tuulada Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas waxaa lagu laayey dad shacab ah.

21 qof oo shacab oo carruur ay ku jirto ayaa meydadkooda la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, dadkaan ayaa u badan hal qoys, waxaana laayey diyaaradaha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya oo shalay war ka soo saartay duqeyntaas waxay sheegtay in lagu laayey Al-Shabaab, isla markaana laga dilay ku dhawaad 40 dagaalame, balse waxaa soo baxday xogta rasmiga ah oo ka duwan sida ay dowladdu sheegtay.

Maanta waxaa warbaahinta la hadlay iyagoo barooranaya ehellada qoyskii lagu laayey duqeyntaas, waxay sheegeen in saddex jeer hal guri ay duqeysay diyaaraddu, ilaa markii dambe laga quustay in loo gurmado qoyskii deganaa guriga la beegsaday oo gurmadkii ugu horeeyey saakay helay.

Kooxda Al-Shabaab oo deegaankaas joogta ayaa soo bandhigtay sawirrada carruur iyo dad shacab ah oo duqeynta ku dhintay, kuna dhaawacmay, waxayna sheegeen in duqeyntaas ay geysteen diyaaradaha Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa wajahaya kiis lamid ah kii uu maareyntiisa ku dhibtooday Farmaajo, bilo ka dib markii la doortay 2017, kadib markii sidaan oo kale dad shacab ah loogu duqeeyey aagga deegaanka Bariire ee isla gobolkaas Sh/Hoose.

Xiligaas dadkii lagu laayey duqeyntii Bariire waxay gilgishay dowladii Farmaajo, ilaa uu ku qasbanaaday in ugu dambeyntii uu bixiyo diyada dadkii lagu laayey duqeynta oo beeraley u badnaa, isla markaana ka soo jeeday hal qabiil oo Habargidir ah.

Xasan Sheekh ayaa hadda wajahaya kiis kii lamid ah, kadib markii xalay la laayey dad hal qoys u badan oo beeraley ah, ugu yaraan 21 qof ayaa geeriyootay, waxaana isbitaalka yaalla dad badan oo dhaawacyo qaba, dadkaasi waxay ahaayeen shacab aan mudneyn in la dhibaateeyo, waxaana laga war-sugayaa sida uu kiiskaan u maareeyo Xasan Sheekh.

Duqeyntaan ayaa aheyd mid ay dowladdu uga aar-gudaneysay Al-Shabaab oo shalay ciidan ka tirsan NISA u galay jidka iyagoo ka baxay Afgooye, isla markaana maraayey Jambaluul, balse waxaa qaldamay bartilmaameedkii, waxaana la laayey dad shacab ah oo guryahooda iska joogay, duqeyntaas ayaa Baqdaad ka bilaabatay salaadii Taraawiixda kadib.