Sarkaal sare oo ka badbaaday qarax xeradiisa loo geliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooleey ee gobolkaasi uu qarax uga badbaaday Taliyihii ciidanka degaanka ee degmadaasi.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in gudaha loo geliyay xerada ciidanka uu hoggaamiyo uu degan yahay, kaasi oo khasaare kasoo gaaray ciidankii ku sugna xerada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxan ay ku dhinteen illaa 5 kamid ah ciidankii ku sugnaa xerada, ayada oo Taliyaha ciidanka deegaanka Qoryooleey oo la aaminsan yahay inuu ahaa bartilmaameedka uu ka badbaaday.

Qaraxaan ayaa kala shaki ka dhex abuuray ciidamada deegaanka ee gacanta ku haya amniga degmada Qooryooleey, ayada oo lasoo warinayo in ciidamada u kala jabeen labo garab oo u abaabulan hab qabiil.

Dhinaca kale, xaaladda ayaa kasii dartay kadib markii saaka askari ka tirsan ciidanka lagu dilay gudaha magaalada, kaasi oo uu dilay askari kale oo sheegay inuu ka shakiyay.

Labada garab ee ciidanka ayaa difaacyo ka kala sameystay gudaha magaalada, ayada oo dadka deegaanka ay cabsi weyn ka muujinayaan in korkooda ay ku dagaalaman ciidamadan u kala qeybsamay hab beeleedka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay kooxda Al-Shabaab nafis ka heshay howl-galladii dagaal ee ka dhanka ah, kadib markii bilihii u dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid gulufka, ayada oo ciidamada iskaashanaya ay baneeyeen deegaano uu dhiig ku daatay oo horey looga xoreeyey Al-Shabaab.