Video: Laba taliye oo ka mid ah booliska gobolka Banaadir oo ka goostay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyihii Saldhigga booliska ee degmada Yaaqshiid Faarax Cadaani Maxamed uu galabta ku biiray ciidamada gadoodsan ee ka soo hor jeeda mudo kororsiga hey’adaha dowladda federaalka ee ku sugan qeybo ka tirsan Muqdisho.

Taliye Faarax oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan ayaa la sheegay inuu ku biiray ciidamo ku sugan aagga Mirinaayo, kuwaas oo shalay halkaas dagaal kula galay ciidamo daacad u ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Tallaabada uu galabta qaaday Taliyaha booliska degmada Yaaqshiid waxay ku soo aadeysaa, iyadoo sidaan oo kale uu galabta ciidamada ka gadoodsan mudo kororsiga ugu biiray taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis ee gobolka Banaadir Farxaan Jaraaye.

Taliye Farxaan Jaraaye ayaa warbaahinta kula hadlay aagga Mirinaayada, waxuuna sheegay inuu gartay waxa saxda ah, isla markaana uu ka soo horjeedo gumaadka lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho. Sidoo kalena uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal sokeeye, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyihii saldhigga booliska degmada Shibis Farxaan Jaraaye ayaa saraakiisha iyo ciidanka booliiska ugu baaqay inay iskaga soo baxaan dhanka dowladda, isla markaaana ay soo garab istaagaan dadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa sidaas galabta garabka dowladda ku baneeyey ilaa laba sarkaal oo laba ka mid ah degmooyin waqooyi ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa booliska Soomaaliya oo hadda saraakiisha ugu sareysa ay daacad u yihiin madaxda waqtigu ka dhamaaday ee qaadatay go’aanka mudo kororsiga ah.

Hoos ka daawo taliyaha Shibis oo warbaahinta la hadlay.