Daawo: Mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada diidan muddo kororsiga oo hadlay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Militariga ee kasoo horjeedo muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa fariisimo cusub ka sameystay xaafado ka tirsan Degmada Howl-Wadag gaar ahaxan Xaafadaha u dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Warsame oo ah Gaashaanle sare oo kamid ah saraakiisha hoggaaminayo dagaalka, oo warbaahinta kula hadlay aagagga dagaalka ee Degmada Howl-wadag, ayaa sheegay in ciidamada diidan muddo kordhinta ay la waregeen gacan ku heynta Xaafadaha Shanta-Geed, Isgoyska Bakaaraha, Sayidka iyo Hotelka Wehliye.

Gaashaanle Cabdulqaadir ayaa sheegay inay si cad uga soo horjeedaan muddo kordhinta uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuna sheegay inay kaliya ku qanci karaan in Farmaajo is-casilo ama uu qabto doorasho loo dhan yahay.

“Dagaalka wuu socon doonaa inta aan ujeedkeena ah inuu Farmaajo is-casilo ama doorasho qabto aan ka gaareyno, mana istaagi doono illaa aan ka dhimano,” ayuu yiri gaashaanle Cabdulqadir.

Sarkalkaan ayaa saxaafadda soo tusay dhammaan goobaha ay difaaca kaga jiraan, wuxuuna ku hanjbay inay dhawaan la wareegi doonaan xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xalay ayaa waxaa Xaafado ka tirsan degmada Howl-wadaag ku dagaalamay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo Millateri ah oo taagersan Mucaaradka, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kordhinta.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mid dagan, waxaana dib u bilowday isku socodka daadiidka iyo dadweynaha, waxaana goobihii lagu dagaalmay ku sugan ciidamada mucaaradka.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Gaashaanle Cabdulqaadir