Taliyihii saldhiga QARDHO oo lagu dilay degmadaas

Qardho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil saaka loo geystay AUN taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho, Cumar Hiiraad Kaatuun.

Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dishay koox hubeysan oo cabtoy ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka, Cabdi Saciid Cismaan

Faah faahin dheeraad ah ma bixin Cabdi Saciid, balse waxaa la sheegay in xilliga la dilayey taliyaha uu ku jiray howlo shaqo, gaar ahaan howlgal amniga lagu xaqiijinayo.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada ammaanka degmada Qardho ay ku raadjoogaan ragga ka dambeeyey dilka taliyaha oo goobta isaga baxsaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo la xiriira dhacdadaasi oo si weyn looga dareemay degmadaasi.

Xaaladda deggan, waxaana la filayaa in maamulka degmada uu ka warbixiyey dhacdadaas, gaar ahaan dilka loo geystay taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho.

Inta badan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya kuwaas oo ku sugan magaalooyinka maamulkaasi.