Tallaabo ka dhan ah safiirka Ethiopia oo loo soo jeediyay DF Soomaaliya (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo soo jeediyay inay dalka ka saarto safiirka Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, maadaama ay maanta u yeeratay safiirkeedii, kadib heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ee Addis Ababa.

Senator Farxaan Cali Xuseen oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulan wadajir ah oo ay maanta yeesheen xildhibaannada labada gole ayaa si weyn uga soo horjeestay heshiiskaas oo abuuray xasaasiyad weyn, isla markaana ay carootay dowladda federaalka oo si weyn u dhaleeceysay Itoobiya.

Farxaan ayaa soo jeediyay in dowladda dhexe ay qaado tallaabo ka dhan ah Itoobiya, islamarkaana ay dalka ka saarto safiirkeeda u jooga Muqdisho, maadaama ay xad-gudub ku sameysay Soomaaliya.

“Safiirkeena waa inaan u yeeranayaa safiirkoodana waa inaan dalka ka saarnaa oo la tashi u dirno, Itoobiya lama heshiineyno ee halkaas, ha’innaga joogto” ayuu yiri Senatorku.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray xukuumadda Soomaaliya oo uu ugu baaqay in arrintan ay u wajahdo qaab diblumaasiyeed, ayada oo mareysa ururada kala duwan sida QM.

“Xukuumadda waxaan kula talinayaa howshaan oo kale marka la galo waxaa loo yeertaa UN-ka oo loo sheegaa arrimaha dhacay, waa in sidoo kale la geeyo Ururka Midowga Afrika, IGAD arrintaas in la ogeysiiyo, ururka dowlada Carabta la geeyo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirkii u fadhiyay Addis Ababa, kadib kulan deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, oo ah mid iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah.

“Is-afgaradkaasi ayaa u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.”

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskaas, waxaana xusid mudan in Muuse Biixi uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday heshiis dhigaya in la bilaabo wada-hadallo, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo caqabad ku keeni kara geedi socodka wada-hadallada labada dhinac.