Tallaabo kale oo loo qaaday dastuurka ka dib SHIRKII Golaha wadatashiga qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka oo maanta shir isugu yimid ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay uga hadleen arrimaha horyaallo oo ay ugu horreyso dhammeystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo kusoo aaday kadib shirkii golaha wadatashiga qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee dastuurka dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale guddoomiyaha guddida oo madasha ka hadlay ayaa warbaxin guud siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhammeystirka dastuurka, taas oo la xiriirta shaqooyinka u qansoomay iyo kuwa u harsan.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale dood adag iyo falaqayn dheer laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee dastuurka iyo dhammeystirkooda.

Ugu dambeyn Burhaan oo ah guddoomiyaha guddiga oo shirka soo xeray ayaa xubnaha ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan dhammeystirka dastuurka, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan shaqada hortaalla.

Marka laga tego kulankan wuxuu xalay qodobka koowaad ee war-murtiyeedka golaha wadatashiga qaran uu ahaa dhammeynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta:

Golaha ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, wuxuuna ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

Sidoo kale goluhu wuxuu xukuumadda federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galiyey dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka, si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Si kastaba, arrimaha wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa ka taagan dood culus, waxaaba diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland, kuwaas oo si weyn u dhaliilay tallaabada ay qaaday Villa Soomaaliya.