Sawirro: Ciidanka Puntland oo qabta hub iyo raggii watay

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada qaabilsan iaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda.

Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku gaabsaday in baaritaan uu socdo dibna ay ka soo shaaci doonaan natiijada rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadda horgey doonaan ragga lasoo qabtay.

Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo ku guuleystay howlgalkooda.

Ciidanka ayaa qabtay hubkaan xilli ay ku jireen howlgal dhanka badda ah oo xeebaha gobolka Bari ay ka wadeen, waxaana la sheegay inay sii heleen xogta ragaan lasoo qabtay.

“Taliska guud ee ciidamada PMPF wuxuu digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci darada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah amniga Puntland, ciddii falalkaasi lagu qabto waxaa la horgay doonaa sharciga, iyagoo mutaysa doonta ciqaab adag,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidamada PMPF ee Puntland.

Hubkaan waxaa loo maleynayaa in Puntland laga soo geliyey dhanka dalka Yemen oo hubku uu qiimo jaban ka joogo, maadaama uu dalkaas burburay oo kala dambeyn aysan ka jirin, kooxo hubeysana ay ka dagaalamayaan, sida Xuutiyiinta oo taageero adag ka hela Iiraan.