Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta, oo ay ku mideysnaayeen siyaasiyiin mucaarad ah, ayaa shalay heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo isku waafaqay hanaanka doorashada.
Bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnahan mucaaradka ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka Federaalka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Heshiiskan waxa uu sidoo kale dhigayaa in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu yeelanayo Madaxweynaha, iyadoo Baarlamaanka uu codka kalsoonida qaadi doono, islamarkaana Madaxweynaha uu awood u leeyahay inuu kala laabto haddii loo baahdo.
Sidoo kale waxaa la isla qaatay in ururradu ay ku salaysan doonaan tirada xubnaha ay ka helaan Baarlamaanka, taas oo go’aaminaysa inay noqonayaan xisbi buuxa iyo in kale. Golayaasha deegaanka, Baarlamaanka iyo labada Aqal ayaa noqonaya kuwo loogu tartamayo doorasho qof iyo cod ah.
Saameynta xubnaha baxay
Dr. Cabdirashiid Cabdi Ismaaciil, agaasime ku-xigeenka Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage, ayaa sheegay in tani ay saamayn weyn ku yeelanayso midowgii Madasha Samatabixinta iyo awooddeeda.
“Walahi, saamayn weyn bay ku yeelanaysaa, sababtoo ah markii hore waxay isugu yimaadeen iyagoo isu garabsanaya, kuna mideysnaa inay culays saaraan madaxtooyada. Haddii ay kala maarmi karaan, markii horeba isma soo doonteen. Kooxda hadda baxday waa miisaan culus oo wax weyn ka dhimi karta inta hartay. Muddo dheerba mushkiladdan ayaa muuqanaysay, laakiin muddo ayay ka shaqaynayeen inaysan soo shaac bixin, ugu dambayntiina wey guulaysatay, taasna waa dhabar-jab weyn oo ku dhacay Madasha,” ayuu u sheegay BBC.
Dr. Cabdirashiid waxa uu intaas ku daray in dowladda ay u tahay guul weyn, maadaama koox culays ku haysay ay kala qaybsantay:
“Marka Villa Soomaaliya guul bay u tahay, waxayna isku aragtaa in kooxdii culayska ku haysay ay kala daatay, nugulna noqotay, qaarkoodna ay dhici karto inay dhinaca dowladda u jeestaan si ay maslaxad uga raadsadaan,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale, Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye siyaasadeed, ayaa qaba in ka bixitaankan uusan ka dhignayn dhammaadka mucaaradka:
“Ma filayo inay wax weyn beddelayaan, sababtoo ah dadka doonaya madaxweynenimada way sii joogayaan. Kuwo cusub oo iyaguna sheeganaya rabitaanka xilka madaxweynenimada ayaa markasta kusoo biiraya, gaar ahaan marka doorashadu soo dhowaato. Sidaas darteed, mucaaradku weli wuu xooggan yahay inkastoo tiro ka mid ahi ka baxeen Madasha,” ayuu u sheegay BBC.
Mukhtaar waxa uu xusay in markii horeba Madasha ay isugu tageen siyaasiyiin duruufo kala duwan leh, taas oo horseedaysa kala aragti duwanaansho:
“Markii horeba duruuftoodu way kala duwanaayeen. Qaar waxay ahaayeen musharrixiin madaxweyne, qaarna dano siyaasadeed kale ayay lahaayeen, halka qaar kalena ay rajo ka qabeen dowlad-goboleedyada. Kala duwanaanshahaasi waxa uu keenaa inaysan wadaagi karin aragti midaysan marka ay la xaajoonayaan Madaxweynaha,” ayuu yiri Mukhtaar.