TARSAN oo abaal-marin ku bixin doona magac cusub oo uu doonayo in loo keeno

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Mohamud Ahmed Nur Tarsan oo si dhow ula shaqeeya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Somalia ay leedahay dhowr Madaxweyne.

Tarsan waxa uu sheegay inuusan garankarin faa’iidooyinka ku jira in shaqsi waliba uu ka shaqeeyo sida uu ku noqon lahaa Madaxweyne sii kordhinaaya cadadka kuwa hadda jira.

Isagoo tusaale usoo qaadanaayay shirka kusoo xirmay Magalada Brussels ee dalka Biljamka ayuu yiri “Qaranimada Somaaliyeed waxaa ceeb iyo fadeexo ku ah in hal shir ay lix madaxeyne oo Somaali ah ay isugu tagto oo ay ka soo wada horjestaan hal dhan.lixda madaxweyne oo uu ka dhexeyo hal calan iyo hal dal, waa wax laga yaxyaxo”.

“Waxaan rabaa in aan shacabka Soomaaliyeed weydiiyo in aan ka fekerno magac kale oon madaxweyne aheyn oo lagu qancinkaro madaxweyneyaash Dowlad Goboleedka ayada oon mansabkooda hoos loo dhigeyn, Qofkii keena magac lagu qancinkaro madaxda Dowlad Goboleedka waxuu ku guleysandoona abaal marin”.

Tarsan, waxa uu sheegay inuu aad ugu wareersan yahay halka ay Madaxda maamulada u wadaan dalka, waxa uuna arrin aad u foolxun ku sheegay in dad iskumid ah ay kala yihiin kuwo hadana kala nooc ah.

Wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in la raadiyo magacyo kale oo lagu bedeli karo Madaxweyne Goboleed, waxa uuna cadeeyay in ujeedkiisa uu yahay in laga gudbo “Madaxweynayayaasha badan ee adduunka uu la yaabay”.

Tarsan wuxuu cadeeyay in Madaxweyne maamul Goboleedyada ay cunaha hayaan Horumarka Somalia, isagoo taasi ku sheegay inay is hortaag ku sameeyen wax waliba oo Somalia ay ku heli laheyd hal magac.

Sidoo kale, waxa uu dowlada Somalia uga digay in shirarka adduunka ay u wado Madaxda maamul Gboleedyada oo uu sheegay inuu rumeysan yahay inay yihiin kuwo qas ku ah maslaxada Somalia.

Geesta kale, waxa uu Madaxda ugu baaqay inay u naxaan Qaranimada Somalia oo ay muujiyaan xishood si Somalia ay uga kacdo halka ay iminka taagan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com