Tarsan oo Farmaajo ka codsaday inuu hal arrin ku joojiyo saxiixiisa

Muqdisho (Caasimadda Online) –Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), marna soo noqdey duqa magaalada Muqdisho ayaa weerar ba’an ku qaaday hanaanka garsoorka dalka Soomaaliya.

Tarsan oo ka hadlay sanad-guuradii saddexaad ee aas-aaska Xisbiga Midnimo Qaran, ayaa sheegay in dad badan si qalad ah dil toogasho loogu fuliyo, islamarkaana garsoorayaasha dalka aysan haysan khibrad ku filan.

“Waxaan soo jeedinayaa in madaxweyne Farmaajo uu xilligaan joojiyo dilka toogashada, oo uusan saxiixin xukun dil, maadaaama garsoorayaasha dalka aysan khibrad u lahayn habka qaadista dacwooyinka ku saabsan dambiyada dilka ee dhaca” ayuu yiri.

Hadalka Tarsan ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay sare u qaaday xukunada dilka ah ee ay fuliso, waxaana ugu dambeeyey dilal dhowr ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com