TARSAN oo ka hor yimid go’aanka W/Caafimaadka ee ka dhanka ahaa Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka horyimid qoraalkii kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahnaa Hay’adaha ka howlgala Soomaaliya ee shirarka ku qabta Kenya.

Ambasador Tarsan, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha dibadda ay xaq u leedahay inay soo saarto qoraalka kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka ee amarka lagu siinayay dhamaan Hay’adaha la shaqeeyay aysan shir ku qabsan karin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Tarsan ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka Jawaabi doonto qoraalka kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka, isaga oo sidoo kale sheegay inay habooneyd in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka hadasho arimahaasi.

“Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya”

“Mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC.

Xiisadda u dhaxeysa dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa sii xoogeysatay markii dowladda Kenya ay dal ku galka u diiday xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana kadib Jawaab ka bixisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com