Puntland oo qabatay ruux lagu tuhmayo inuu Nimco Cumar Shire mindi ku dilay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ay ka sameeyeen bartamaha magaalada, kaasi oo lagu baadi goobayay dhalinyaro Tooreey ku dilay Gabar kasoo baxday Salaadii Taraawiixda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hal ruux oo lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay falkii lagu dilay gabadha dhalinyarada aheyd ee kasoo baxday Masjid ku yaala xaafadda Garsoor.

Ruuxaan ayaa la tuhunsan yahay inuu qeyb ka ahaa dilka Nicmo Cumar Shire, oo habeen hore lagu dilay meel ku dhow masaajidka ay kasoo baxday, iyadoo Tooreey loo adeegsaday dilkeeda.

Saraakiisha amaanka ee Puntland ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan ruuxa losoo qabtay inuu qeyb ka ahaa dilka Nimco loo geystay, waxaana hadda lagu hayaa xabsi ku yaala waqooyiga magalada Gaalkacyo.

Marka laga soo tago qabashada Shaqsiga ku eedeysay dilka Gabadha Dhalinyarada aheyd,hayeeshee majirin cid sheegatay dilkaas ama cadeysay sababta loo dilay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa noqotay Sanadkaan mid lagu dhibaateeyo Gabadhaha, iyada oo sanadkaan gudihiisa lagu kufsaday laguna dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Caaisho Ilyaas Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com