Wasiir ajnabi ah oo tagay Villa Somalia oo la yaabay Farmaajo kadib qarax dhacay

Belgrade (Caasimada Online) – Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu Villa Somalia kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada.

Dacic ayaa sheegay in markii qaraxa uu dhacay uu naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka isaga oo marti ahaa aanu is dhaqaajin.

Dacic ayaa sida uu sheegay markaas kadib Farmaajo ku yiri “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka  “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.”

Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye.

Dalka Serbia ayaa horey uga tirsanaa dalka Yugoslavia ka hor inta aanay sanadihii sagaashaamaadkii aanu dhowr dal u kala qeybsamin, waxaana weeraray Nato markii ay laayeen muslimiinta Bosnia.

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com