Kheyre oo laamaha amniga la wadaagay waxyaabihii uu kusoo arkay W/Warshadaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku sameeyay baraha ciidamada dowladda kaga sugan yihiin, isaga oo saraakiisha amaanka la wadaagay waxyaabaha uu lasoo kulmay.

Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu tagay wadada Warshadaha Bar koontaroolo ku yaalay oo ciidamada amaanka ay difaac kaga jireen, waxaana uu wasaaradda amniga iyo taliyaasha ciidamada u sheegay qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeerkiisa waxyaabaha uu ku arkay waxaa kamid ah qaabka ciidamada u shaqeeyaan iyo dhibaatooyinka ay qabaan, sidoo kale wuxuu arkay dadaalka ciidamada dowladda ay sameynayaan.

Ujeedka waxa uu ku sheegay in uu qiimeeyo Askarta sugaya ammaanka ee ku sugan Baraha kontorolaada iyaga oo aan lagu wargelin ama ka war heyn socdaalkiisa.

Intaas kadib waxa uu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta ammaanka isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa howlgalada, maadaama qaybaha dambe ee bisha Ramadaan lagu jiro, isla markaana ay soo dhawdahay munaasabadda Ciidul fidriga.

C/Naasir Saciid Muuse Wasiir ku xigeenka amniga gudaha ayaa sheegay in Kormeerka kadib saraakiisha amaanka lagu wargeliyay dhamaan waxyaabaha ciidamada ka dhiman iyo waxyaabaha ay heystaan.

“Xasan Cali Kheyre wuxuu kormeerkaan uu ahaa mid uu si gaar ah u aadayay meelaha ciidamada ay joogaan, isaga oo u kuur galayay xaalada amaanka, wuxuu kormeerka kadib uu la kulmay saraakiisha amaanka iyo Hay’adaha amaanka, isaga oo la wadaagay waxyaabaha uu kusoo arkay kormeerkiisa”

“Waxyaabaha uu arkay waxaa kamid ah caqabadaha ay qabeen ciidamada uu soo arkay, waxaa la doonayaa in ka hor ciida in aad loo sii adkeeyo amaanka magaalada Muqdisho, Waana lasii xoojinayaa xaqiijinta amaanka”ayuu yiri Wasiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com