Prof. Samatar oo ku faanay tabliiqa siyaasadeeda ee ay xukuumadda ka sastay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay dad siyaabo kala duwan uga fal-celiyay barnaamijkii Tabliiqa Siyaasadda ee ay isaga iyo Cali Khaliif ku qabteen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Prof Samatar ayaa waxa uu sheegay in Somaliland la wada leeyahay ay is weydiin karaan oo qudha dadka kalsoonideedii leh, isagoona ka dhawaajiyey in uu arkayo bulshada reer Somaliland oo soo bislaanaysa.

Samatar ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu barnaamijka ay wadeen isaga iyo Galeyr uu yahay mid lagu faano, oo aanu aheyn wax laga baqo ama’se laga caroodo.

Prof. Axmed Ismaacil Samatar, ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka HCTV, wuxuuna yiri

“Waxa dadka qaarkood ka xanaaqeen Su’aasha Prof Samatar iyo Dr Cali Khaliif ay keeneen ee ah ‘Somaliland ma la wada leeyahay?’ in aanay meesha qaban oo dadka qaarkii ay ka xanaaqeen, annigu waxaan qabaa reer Booramana waan u sheegay dad bislaaday ama soo bislaanaya ayuunbaa su’aasha caynkaas ah kalsoonideedii leh oo is weydiin karra”.

“Somaliland waxaan arkayaa in la soo bislaanayo dadka qaarkii su’aala caynkaas ah way is weydiinayan, anniga jawaabtaydu waxay ahayd ‘Haa’ waa la wada leeyahay, laakiin wax ayaa dhiman, waanan magacaabay waxa dhimani waxa ay yihiin qaarkoodna iminka la qaban karro qaarkoona mustaqbalka la qaban karro”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Markaa waxaan walaalahay reer Somaliland ku leeyahay gees ilaa gees anniga iyo Dr Cali Khaliif arrimahaa aanu ka qayb-galnay waxay yihiin wax lagu faano, wax laga baqo maaha wax laga cadhoodo maaha waa wax aynu u baahanay, waayo waxay hoosta ka xariiqayaan dad bislaaday ama soo bislaanaya in aynu nahay”.

“Shir ayaan ka qayb-gelayaa lagu qabanayo Magaalada New York bishan Juun, ciida dabadeed ayaa lagu qabanayaa waa wax yaabaha aan doonayo in aan u sheego Somaliland ubaxaasi sida uu usoo dilaacayo in aan tuso, dadkeenu markaa Doodaha yaan laga biqin yaan laga cadhoonin geesinimadeedii hala yeesho lagu dhageysto faa’iido badan ayaa ku jirta”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com