Kenya oo wajahaysa xaalad dhaqaale xumo baahsan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa waxaa soo wajahay dhaqaalo yari baahsan, taasi oo keentay inay Kenya u baahato deyn badan oo ay ka hesho Bank Adduunka ama dalalka Caalamka.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay hadda  u baahan tahay inay deyn ka qaadato Bank Adduunka, waxaana la sheegay inay u baahan tahay 750 Milyan oo doolar.

Dhaqaalahaasi ayaa dowladda Kenya waxay u adeegsan doontaa miisaaniyad sanadeedkaan, maadaama ay ku fashiliantay xukuumadda Kenyatta inay kordhiso dhaqaalaha dalka Kenya.

Dalka Shiinaha ayaa deynta ugu badan ku leh dowladda Kenya, waxaana wargeyska Financial oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha uu shaaciyay in Kenya ay la ciir ciireyso deymo badan oo lagu leeyahay.

Lacagta Deynta ah ee Kenya hadda lagu leeyahay waxaa kamid ah 4.8 Bilyan oo lagu dhisay Jid Tareen oo mara dalka Kenya, kaasi oo dowladda Shiinaha ay ka dhistay magaalada Nairobi.

Kenya ayaa markii ugu horreysay wada xaajood kala yeelaneysa bangiga adduunka si uu deyntan u siiyo.

Dhawaan waxaa warbaahinta Kenya qabsaday baadi goobka madaxweyne Kenyatta oo xiligaasi safar ku joogay dalka Shiinaha, iyadoo dadka Kenyan-ka ah ay sheegayeen in loo heystay madaxweynahooda deymaha badan ee Shiinaha ku leeyahay Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com