Cadami oo ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirkii Gaashandhiga ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, Axmed Xaaji Cali “Cadami” ayaa ka hadlay khilaafka xisbiyada ee ku aadan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Cadami ayaa waxa uu xisbiyada ugu baaqay inay xal deg-deg ah ka gaaran khilaafka mudada badan ka taagan doorashada iyo komishanka, si ay u qabsoomto doorashadu waqtigii loo mudeeyay.

Wasiir Cadami ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Doorashooyinka Somaliya, wuxuuna yiri

“Axsaabta Somaliland maaha dawladdo cadawaadi ka dhexeeyso oo dhufays iskugu jira ee waxaa looga baahan yahay go’aan caafimaad qaba inay isku raacan, waxaa looga baahan yahay inay masiirka umadda ka fikiraan oo isku tanaasulka iyo wada tashigii aynu caanka ku ahayna ku dhaqaaqan, oo waxay isku hayaan ay ku xaliyaan”.

“Doorashadu waa hal maalin oo sanduuqa warqad lagu rido, laakiin waxaa ka muhiimsan in marka hore khilaaf kasta iyo wax kasta oo la isku hayo inay Axsaabtu iskugu yimaadaan, oo ay wax is weydiiyaan, xalna ay ka gaadhan, ha noqoto Komishankan, ha noqoto tirada Komishanka ee la isku hayo, ama ha noqoto Doorashada lafteeda”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Dadku inta badan waxay riyoodaan marka ay hurdaan, laakiin aad bay u adag tahay inay dadku riyoodaan marka ay soo jeedaan, weedha ka soo yeertay Komishanka Somaliya ee ah Somaliland ayaanu Doorasho ka qabanaynaa, oo aanu sanaaduuq dhigaynaa waxaan u arkaa riyo aan sinaba suurtagal u noqon doonin, tiisaba daryeela ayaa tu kale ku dara”.

“Waxaanu leenahay Komishanka Somaliya adeer xita habeen madaw Doorasho kama qaban kartaan Somaliland ee iska daaya riyada aad ku jirtaan idinka oo soo jeeda, oo bal baylahdiina dib u hagaagista, waxba Somaliland ha isku mashquulinane”.

Cadami ayaa wuxu ugu dambeyntiina sheegay haddii saddexda xisbi ka heshiin waayan khilaafka doorashooyinka, ay wax u dhimi doonto baadi-goobka ay ugu jirto Somaliland ictiraafka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com