Ramaax oo xukuumada Biixi ku eedeyay dayaca magaalada Berbera

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Saleebaan Cali (Ramaax) ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inay dayacday magaalada Berbera.

Siyaasi Ramaax ayaa sidoo kale waxa uu dayaca magaalada Berbera ku eedeyay Maamulka Gobolka Saaxil oo uu sheegay inay xil iska saari weyday daryeelka Masaajida lagu cibaadeysto, oo qaarkood xirmeen.

“Magaaladii Berbera 23-Masaajid wey xiran-yihiin oo kuwii lagu tukan jiray ah, waxaa loogu Tukan kari waayey waxay leedahay Duruuf iyo cimilo gaar ah runtii Gobolkani, Xukuumad-kasta oo jirtaana ay ku tixgelin jirtay, maamul kasta oo yimadaana uu runtii wax kaga qaban jiray marka uu la tashado dad weynaheeda iyo dadka magaalada uu la tashado, waxa nasiib darro ah Masaajidkaasi Shide 3000 kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya, midka ku-xiga shan kun oo dollar ayaa la ururiyey oo laydhkiiya” ayuu yiri Siyaasi Ramaax.

Wuxuuna intaas kusii daray “Warshadii Laydhka waxa la keenay shaqaale kiinyan ah, waar ma wax la qaadan karaa, ma Berbera ayaa laga waayey, ma Somaliland ayaa laga waayey. Laydhkii ayaa halkaa Maraya, Biyihii ayaa go’an, Madaarkii ayaa inamo qaateen, Dekaddii ayaa la arkayaa, maanta waxay ka xuntahay Berbera maalintii uu Madaxweyne Siyaad Barre yiri fooqaa xerradda Milateriga ayaa laga arkayaa ciddi gelimayso”

“1980-kii tii aanu ka dhignay Berbera ayaanu ka dhigaynaa Madaxweyne oo ummadda oo dhami wey kacsantahay, waxaanu samayn doono afarta waddo ee laga Baxo gobolka mid walba in gaadiidka lagu jarro in lagu dagaalamo inay xaqooda helaan dadkani”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com