Muxuu Tarsan ka yiri mooshinka Xasan Sheikh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Tarsan ayaa jeediyay hadal ka duwan hadalada ay jediyaan dadka ka hadla arimaha mooshinka, waxaana uu sheegay in mooshinka uu noqday mid iska hor keenay labo xaqdaro ku hishiisay.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay iney doonayeen iney sameeyaan muddo kororsi labo sano ah, halka madaxweynaha uu sheegay inuu doonayay muddo kororsigaasi oo kale.

Laakiin arimo badan oo la isku fahmi waayay darteed loo keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, sida uu sheegay gudoomiye Tarsan.

Waqti badana ayuu sheegay in la doonayo in looga dhumiyo ummada Soomaaliyeed oo hadaba uu waqti ka lumay, waxaana uu cadeeyay in labadii xaqdaro ku hishiiso uu xaqa isku dirayo, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com