Xog: Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbaland oo arrin cusub ka billaabay gobolka GEDO oo ah…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubbaland ay halkaasi ka bilaaben baadigoobka Odayaasha ugu caansan Gedo.

Ujeedka Baadigoobka ayaa lagu sheegay inay tahay mid shacbiyad loogu abuuraayo Guddoomiyaha dhawaan Axmed Madoobe uu u Magacaabay Gobolka Gedo Axmed Buule Canjeex oo ay ka kala dhuunteen Odayaasha Gobolka.

Gudoomiyaha Cusub ayaa wado qorsho uu ku kulminaayo Odayaasha Gedo si ay taageero ugu muujiyaan, balse waxaa arrintaasi diidmo ka muujiyay Odayaasha oo aan iyagu taageersaneyn Gudoomiyaha Cusub Ciidamaduna ay doonayaan in qoorqabad ay kula kulmisiiyaan Gudoomiyaha.

Sidoo kale Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jubba ayaa lagu amray inay jeelka dhigaan Odayaasha ka caga jiida la kulanka Gudoomiyaha dhawaan lagu magacaabay awooda, waxaana la soo warinayaa in Odayaasha qaarkood ay usoo safreen Magaalada Muqdisho halka qaarka kalane ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Gobolka Gedo.

Diidmada Odayaasha ayaa waxa ay barbar soctaa shaqaaqooyin ka dhacay Gobolkaasi oo looga soo horjeedo maamulka gacan rimiska ah oo ay isla dhiseen Hogaamiyaha Jubba iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ka jooga Gedo.

Abuurka wadatashiga ayaa imaaneysa xilli guddoomiyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil uu soo gaaray Magaalada Muqdisho sheegayna in weli uu aaminsan yahay inuu yahay Gudoomiyaha Gedo.

Caburinta Odayaasha iyo shacabka Gedo ayaa si gaar ah u saameynaaya hal beel oo iyagu ku badan Gobolka Gedo, kuwaasi oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay dagaal Siyaasadeed kala dhexeeyay Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com