Xog: Isku shaandheynta wasiirada & mooshinka laga gudbiyay madaxweyne Xasan oo sababay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Xarumaha DF Somalia ayaa sheegaya in saameyn adag uu ku yeeshay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha dalka.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in inta badan Xarumaha Wasaaradaha uu saameynta ugu badan ku yeeshay kuwaasi oo aan badi la furin sababo la xiriira Wasiirada iyo ku-xigeenadooda oo mashquul ku noqday arrimaha la xiriira Mooshinka iyo isku shaandheynta la saadaalinaayo inay dhawaan dhacdo.

Wasiirada qaar ayaanba tagin xarumaha tan iyo markii loo dhiibay xilkaasi, halka qaarna ay xafiisyo ka dhex furteen Hoteelada si ay halkaasi uga dhex maamulaan Howlihii loo idmaday, inkastoo saameynta ugu badan ay ka muuqato ilaa 4 wasaaradooda oo aan irdahooda la furin.

Shaqaalaha Dowlada ayaa iyaguna fursad u arka maqnaanshiyahaasi, bacdamaa aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada, shaqsiyaadkii laga sugaayayna ay iyaga faraqa is heystaan.

Inta badan Mas’uuliyiinta loo dhiibay Wasaaradaha ayaa iyagu ah kuwa isaga mashquulsan safaro iyo tamashleyn, inkastoo ay hadana ku jiraan kuwo amaan mudan balse waxaa ka tiro badan kuwa aan daacada u aheyn howlaha Qaranka, maadaama Dowladuba ay tahay mid caga jiid ka muujineysa dhanka Cadaalada.

Isla xisaabtan la’aanta ayaa sabab u ah Shaqaalaha Dowlada oo iyagu aan helin daryeelkii ay ku lahaayen Dowlada, taasina ay meesha ka saareyso in Shaqaalaha ay si waafi ah u gutaan Howlahooda.

Arrintaani ayaa ah mid isku xiran min Madaxtooyada ilaa Xarumaha kale, iyadoona inta badan Dowladu ay tahay mid aan muujin mas’uuliyada ka saaran Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com