Axmed Madoobe oo lagu kacay iyo nabaddoon soo saaray baaq ka careysiiyay hogaamiyaha Juba

Muqdisho (Caasimada Online)-Suldaan C/laahi waamo oo kamid ah Suldaanada Daga Gobolada Jubooyinka ayaa ka hadlay dhibaatooyinka mudooyinkaani danbe ka taagan Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Waamo ayaa sheegay in la gaaray xiliga Odayaasha dhaqanka waxa uuna ku baaqay Dagaal ka dhan ah Maamulka Jubba, Kenya iyo Ciidamada Ethiopia ka jooga deegaanadaasi.

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay inay ku dhiiradan baadi goobka Xoriyada, kadib markii uu sheegay inay dhexda u galeen Seddex gumeysi.

C/laahi waamo ayaa sidoo kale sheegay in aysan arintaan loogu dan laheyn arimo qabiil laakin la joogo xiligii Gobolada Jubooyinka laga Xureyn lahaa ciidamada Ethiopia, Kenya iyo kuwa Jubbaland ee jilaaya dhaqamada Ciidamada labadaasi Dowladood.

Ciidamada is baheysanaaya ayuu sheegay inay bilaaben xadgudubyo loo geysanaayo Beelaha qaar, waxa uuna farta ku goday in dhibaateyntaasi ay si gaar ah u saameysay dhalinyaro magac ku leh Deegaanada.

Haddalka waamo ayaa imaanaya xili Ciidamadaasi, ay godofalo u geystaan Siyaasiyiinta iyaga oo u hiilinaaya Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com