Waxaa Soomaaliya ku soo badanaya jaamacado ay furayaan dad iskood isu maamula ilaa iyo hadana ma jirto, intaan ogahay, hay’ad bixisa oggolaashaha furitaanka jaamacadaha. Ma loo baahan yahay hay’ad noocaas ah? Ardayda ka qalin jebisa jaamacadahaas dhib ma ku noqonaysaa mustaqbalkooda nooca waxbarasho ee ay soo qaateen.
Qoraalkani wuxuu eegayaa tayo-gelinta jaamacadaha wuxuuna is arbar dhigayaa waxtarka iyo dhibaatooyinka ka iman kara jaamacadaha sida habqanka loo furto. Qoralku wuxuu ku baaqayaa in dawladdu samayso hay’ad Soomaaliyeed oo ka shaqaysa tayada tacliinta sare.
Gogoldhig
Burburkii dawladdii dhexe ayaa keenay in degaan walba isku dayo inuu iskiis u daboosho baahiyihii laga sugi jirey dawladda. Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sare ayaa dib loo bilaabay iyadoo aanu jirin manhaj dhexe oo ay wada raacaan dugsiyadaasu. Maadaama ay adkayd in manjah cusub la dejiyo waxaa si fudud dugsi walbaa u soo dhoofsaday manhaj waddan kale laga leeyahay iyadoo ay dhacaysay ama ay weliba dhacdo in laba dugsi oo ku yaal isla hal magaalo ay kala raacaan manaahijta laba waddan oo kala duwan.
Marka laga yimaado manhajka, waxaa kaloo meesha ka maqnaa dhammaan kaalmooyinkii kale ee dawladda dhexe sida maamulidda imtixaanaadka iyo shahaado bixinta. Waxaa la iska fududeeyey in ardayga beddelka ku yimaada magaalo cusub aan laga dalbin inuu la yimaado wax caddaynaya heerkiisa waxbarasho si meesha uu mudan yahay loo geeyo. Taas waxaa adkaynayey dhibka aan kor ku soo sheegnay ee kala duwanaashaha manaahijka iyo iyadoo waddankii ay ka dhasheen maamulo kala duwan oo, haddayba waxbarasho wax ka qaban lahaayeen, aanay dabeecadooda ka mid ahayn in wax la wadaagi karo. Laakiin maamulada dugsiyadu sidii ay maankooda ka arkaan ayey u xallinayeen wixii dhib ah eek a hor yimaada.
Markii la gaaray in ardaydii qaar ka mid ah dhammaysateen dugsiga sare waxaa soo baxday baahi ah in loo helo meel ay ka sii wataan waxbarashadii laba arrimood dartood: 1) ardaydii ma wada dhoofi karaan si ay u sii wataan waxbarashada, haddii ay dhoofaana lama hubo in shahaadada dugsiga sare ee ay qaateen laga aqbalayo waddanka ay u dhoofaan 2) Ma jirin shaqo ardaygu isku mashquulin karo haduuba aqoontiisa dugsiga sare ku shaqo tegi lahaa.
Haddaan xasuustaydu qaldanayn, jaamcadaha Cammuud iyo Muqdisho ayaa ahaa kuwii u horreeyey oo dib loo abaabulay ka dibna waxaa si is daba joog ah u furmayey jaamacado ku baahay dhammaan degaamada Soomaaliyeed.
Tayo-gelinta Waxbarashad Jaamacadeed
Waddamada adduunka waxaa ka jira jaamacado aan la aqoonsanayn. Kala duwanashaaha sharciyada waddamada ayaa keenay in meelo badan aanay ka ahayn sharci jebin in la furo jaamacad oo arday la siiyo shahaadooyin iyadoo jaamacadaasu aanay lahayn wax aqoonsi ah. Dhibku wuxuu imanayaa markii ardaygu ama doono inuu sii wato waxbarashadiisii oo jaamacad kale u gudbiyo shahaadadiisii oo laga yaabo in jaamacadda cusub ay aqoonsan weydo shahaadada uu waqtiga iyo hantida ku bixiyey. Waxaa kaloo jira waddamo ama shirkado iska hubiya in shahaadooyinka shaqaalahoodu haystaan ay bixiyeen jaamacado la aqqonsan yahay. Hadaba waa maxay aqoonsiga jaamacaduhu?
Aqoonsiga jaamacadaha
Waa shahaado ama ama ‘aqoonsi’ la siiyo jaamacad markii ay ka soo baxdo shuruudo loo dejiyey qiimaynta tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadeed. Aqoonsigaas waxaa bixiya inta badan dawladaha ama hay’ado loo oggolaaday inay bixin karaan aqoonsigaas.
Dawladaha qaar ayaan oggolayn in magaca jaamacad, machad ama iskuul la iskala baxo ilaa la qaato oggolaasho ka yimaada wasaaradaha ku shaqada leh waxbarashada heerarkeeda kala duwan. Waxay kaloo dawladuhu oggolaansho siin karaan hay’ado gaar loo leeyahay inay qaadaan masuuliyadda qiimaynta tayada xarumaha wax barsahada oo jaamacaduhu ug usarreeyaan ayna isla markaas xaruntii ka soo baxda shuruudaha siiyaan oggolaasho. Dhawrkii sanoba mar ayaa jaamacadda dib loo qiimeeyaa si loo hubiyo in ay weli ku taagan tahay waddadii tayo-wanaaga markaas ayaa ama loo cusboonaysiiyaa aqoonsiga ama la siiyaa digniin inay hagaajiso tayadeeda amaba lagala noqdaa aqoonsiga.
Xaaladda tacliinta sare ee hadda ka jirta Soomaaliya waxaad moodaa in ay u baahan tahay taxaddar waayo wax walba waxaa ka horreeya in dawladnimada iyo nabadda loo saldhigo.
Waa run inuu jiro welwel laga qabo in jaamacaduhu noqdaan meelo lagu doonayo uun hanti laga qaato ardayga ama lagu gaadayo mashaariicda ay bixiyaan hay’adaha dawliga ah. Waxaa kaloo welwel ka jiraa in qiima yarida jaamacadaha qaarkood, haddii ay dawladdu wax ka qaban weydo ay dhacayso in ay qiimo-dhac u soo jiidaan kuwa ku dadaalaya inay tayadooda hagaajiyaan maadaama ay ku wada yaallaan waddan Soomaaliya la yiraahdo lana filayo in dhammaan jaamacaduhu ay hoos tagaan hal nidaam oo lagu qiimeeyo tayadooda. Markii la arko arday aan waxba aqoon oo wata shahaado jaamacadeed laga soo siiyey Soomaaliya waxaa laga yaabaa in loo qaato in sidaas oo kale ay yihiin dhammaan jaamacadaha Soomaaliya.
Hay’adaha tayo-baarka ee qiimeeya jaamacadaha waxay daabacaan ama baahiyaan shuruudaha ay uga baahan yihiin jaamacadaha iyo manaahijta ay aqooniga siinayaan. Waxyaabaha ay qiimeeyaan hay’adaha tayo-baarku waxaa ka mid ah manhajka qoran ee ardaydu raacayso oo tusaale ahaan haddii jaamacaddu bixiso shahaado Bachelors ah oo Ganacsiga ama Maamulka ama Cilmiga Kombiyuutraka ah, waxaa la eegayaa in manhajku waafaqsan yahay hay’adda tayo-baarka xeerkeeda marka laga eego dhammaystirnaanta maadooyinka ardayga la siinayo, saacadaha guud ee ardaygu qaadanayo waxbarshada, heerka aqooneed ee macalimiinta dhigaysa maadooyinka iyo in ay tiradoodu ku filan tahay habsami u socodsiinta manhajka. Waxaa kaloo la eegaa maamulka jaamacadda iyo sida ay siyaasadoodu u soo dhaweynayso ardayda iyo shaqaalaha, sida hantida ay u maamulaan, in qalabka waxbarashada aasaasiga u ah uu ku filan yahay maaddooyinka la qaato, dhismayaasha jaamacadda iyo inay dabooli karaan baahiyaha ardayda iyo shaqaalaha, haddii ay jiraan fasalo lagu qaato tababar ama laboratory waxaa iyagana jira xeerar u gaar ah. Hay’adaha aqoonsada ama tayo-baara jaamacadaha waa badan yihiin inta badanna mid walbaa waxay aqoonsi siisaa maadooyin ama barnaamijyo gaar ah.
Soo jeedin
Aqoonsiga laga doonto hay’adaha dawliga ah waxaa ku baxa hanti fara badan waxaana laga yaabaa in qaarkood ay shuruudo aan laga bixi karin u baahan yihiin. Haddii ay dhacdo in jaamacadeheena la aqoonsan waayo, waxaa noo furan laba waddo, 1) in aan iskaba deyno jaamcadaha oo ardaydeena kii dhoofi karana loo diro waddamo kale kii aan dhoofi karina shaqo ama machadyo farsamo loo sameeyo iyo 2) in dawladda Soomaaliyeed abuurto hay’ad dhexe oo samaysa xeer lagu qiimeeyo tacliinta sare iyo xarumaha lagu barto. Hay’adaasu dabcan waxay ku bilaabanaysaa si jilicsan oo shuruudo adag kuma bilaabi karto si degdeg ah kumana fulin karto go’aamadeeda si dhaqso ah. Laakiin waxay si heer-heer ah u dhaqan gelin kartaa xeerarkeeda iyadoo ay jaamacaduhu marba marka ka dambaysa aqbalayaan inay u baahan yihiin inay kor u qaadaan tayadooda si ay u helaan kalsoonida ardayda, shacabka iyo tan dawladaba.
Inaan iska xirno jaamacadeheena maadaama aanay aqoonsi haysan ma aha wax noo furan. Waxaa hadaba habboon in dawladdu si dhaqso leh u samayso qaab lagu xakamaynayo debecsanaanta ka jirta furashada jaamacadaha iyo bixinta shahaadooyinka jaamacadeed. Ugu horrayn waa in la sameeyaa xeer lagu maamulo jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa habboon in la dejiyo qaab lagu qiimeeyo tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadaha.
Jaamacadaha hadda furan iyaga ayaa noqon kara aasaaska ama bilawga tayo u samaynta waxbarsahada. Wayna habboon tahay in maamulada jaamacaduhu samaystaan qorshe ay aqoonsi ugu doonayaan jaamacaddooda. Waxaa kaloo iyaduna wanaagsan in jaamacaduhu isu tagaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda sidii loo samayn lahaa hay’ad kormeerta tacliinta sare oo unkideeda ay qayb ka noqdaan dhammaan jaamacadaha Soomaaliyeed.
Inta ay dib u sii dhacayso samaynta hay’ad Soomaaliyeed oo oo nidaam aqoosni u samaysa jaamacadaheena waxaa sii fogaanaya hagaajinta iyo qiime u yeelidda waxbarshada ardaydeena.
Cabdulqaadir Cabdi Diiriye