Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, oo doorashooyinkii ugu dambeeyay lagu qabtay.
Cali Xoosh ayaa marka hore ku dhawaaqay in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod ah, isla markaana dadweynaha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta laga rabo inay diyaar garoobaaan,
“Dalku doorasho ayuu aaday qof walboo ku talagal, yuusan shaki ka galin arinkaas teendho dambe oo la aadayo majirto ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la duminayo dhismaha Teendhada, loona beddalo dhisme dabaq ah oo lagu qaban doono shirarka waa wayn ee dowladda.
“Teedhada waan furfureynaa waxaan ka dhiseynaa dabaq wayn oo hool shireed ah oo caadi ah, waayo teendho waan ka gudubnay” ayuu mar kale yiri wasiirku.
Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray mucaaradka, wuxuuna ka dalbaday inay safka dhinacooda kasoo raacaan, qaybna ay ka noqdaan doorashada.
“Siyaasiyiinta dhinaca kale ka hadlaya waxaan leenahay kusoo biira meesha loo socdo soo noqod ma jiree” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood xoogan ay ka dhalatay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran oo lagu soo qaaday doorashooyinka, kaas oo ay ka horyimaadeen Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah oo ay ku jiraan Farmaajo iyo Shariif.

