Thaabit Cabdi oo u jawaabay Cagjar, farriina u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thabit Cabdi Maxamed oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Cagjar, kaasi oo ku sheegay in uu aag ka sameysan doono meel ka baxsan xuduuda deegaankiisa.

Thabit Cabdi ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Cagjar uu gef ku yahay curfiga xiriirka caalamiga ah ee dowladdaha u yaaLla, maadama ay Soomaaliya tahay dal madax-banaan oo lagu xad-gudbi karin xuduudihiisa.

“Itoobiya xaq ayay u leedahay iney iska difaacdo argagixisada dalkeeda ku soo duusha, balse madaxweynaha DDS ee Itoobiya labbo yuusan isku qaldin; Soomaaliya iyo Soomaali waxaa ka dhexeeya isir aan xuduud kala jara laheyn laakiin marka ay Dowladda Itoobiya tahay, Soomaaliya waa dal madaxbannaan oo xuduuddeeda laguma xadgudbi karo, iskaba daayee in ‘Security Buffer Zone’ laga sameysto,” ayuu yiri.

Thabit ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay si feejigan u fiiriyaan hadal iyo ficil kasta oo iin ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Waa in hadalladaas oo kale laga fiirsado haddii aan ogaal loo dhihin, waayo waa wax gef ku ah curfiga xiriirka caalamiga ee dowladdaha u yaal. Dowladda Soomaaliyana waa in ay si foojigan u eegto hadallada iyo ficil kasta oo iin ku ah madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xili uu dhawaan ku sugna deegaanada xuduuda ayaa waxa uu shaaciyay in maamulkiisu qorsheynayo sameynta “aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.”

Hadalka Cagjar ayaa marka indho kale lagu fiiriyo ahaa in maamulkiisa uu xad-gudub dhuleed ka sameynayo gudaha Soomaaliya, hase yeeshe markale oo uu fasiraad ka bixiyay uu ku sheegay in qorshahaas aysan uga dan laheyn xad-gudub, balse kaliya ay uga gaashamanayaan falalka cadowga iyo inay gudaha usoo galaan deegaanadooda.