Qarax lagu dilay wasiir, wiil uu dhalay iyo dad shacab ah oo ka dhacay BAYDHABA

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur, xubno ka mid ah qoyskiisa iyo dad kale oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday salaaddii Jimcaha ee maanta, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale, waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii, wiil uu dhalay, qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay oo gaaraya illaa 11 qof, sida aan xogta ku helnay, ayada oo dadka dhaawac ahna uu ku jiro wiil kale oo wasiirka uu dhalay, taasi oo khasaaraha qoyska wasiirka ka dhigeysa saddex qof.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana ku jira kuwa ay xaaladdoodu liidato, sida uu sheegay weriye ku sugan isbitaalka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.