Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay dagaalkii maanta ee Liyuu Boolis

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulweyn ka sheegatay dagaalka maanta dib uga qarxay deegaanka Aato ee gobolka Bakool ee dhexmaraya kooxdaas iyo ciidamada Liyuu Boolis ee gobolka Soomaalida Itoobiya. 

Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka ay qaadeen dagaalyahanada kooxdaas, kuwaas oo sida ay sheegtay, beegsaday saldhigyo ay ciidamada Liyuu Boolis ku lahaayeen deegaanka Aato ee gobolka Bakool. 

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegtay “inay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada Liyuu Boolis ayna dileen in ka badan 100 askari, tiro intaas ka bandanna ay dhaawaceen.” 

“Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka ku sugnaa deegaanka Aato ee Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen,” ayuu Sheekh Cabdicasiis Abu Muscabu u sheegay idaacadda Andalus ee kooxda. 

“Khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 ka tirsan maleeshiyada Liyuu Boolis ee xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis,” ayuu yiri. 

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka cusub. 

Maamulka wuxuu horey u sheegtay in dagaaladii maalmihii tegay dhex-maray labada dhinac ay kooxda Al-Shabaab uga dileen in ka badan 250 dagaal-yahan. 

Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegtay inay sidoo kale iska caabiyeen diyaaradah dagaalka Itoobiya oo kasoo qeyb-galay dagaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Waa markii labaad oo degaanka Aato uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab muddo ka yar laba toddobaad gudahood, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay Al-Shabaab ay weerareen degaanka Aato ayaga oo kadibna gudaha u galay gobolka Soomaalida.